4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 23, 2020
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ka badbaaday qarax miino
 

Axad, Agoosto 23, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay,  laba kalana way ku dhaawacmeen qarax ahaa nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir,  kaas oo lala beegsaday gaari uu watay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale.

Guddoomiyaha iyo ilaaladiisa ayaa lagusoo warramayaa iney ka badbaadeen qaraxaas,  waxaana xilliga uu dhacayay ay kusii jeedeen garoonka kubadda cagta Eng.Yariisow oo ay ka socotay cayaar u dhaxeysay kooxda kubadda cagta degmada Yaaqshiid iyo koox kale.

Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo kala duwan oo dad rayid ah iyo mas'uuliyiin dowladeed ay ku dhinteen,  sidii kii ka dhacay hotel-ka Elite.

Saraakiisha nabad-gelyada Soomaaliya ayaa horay u sheegay iney wax badan ka qaban doonaan xaaladaha cusub ee ka dhanka ah ammaanka Caasimadda ee Muqdisho.
 
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]