10/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 22, 2020
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay sidii sharciyan loo xoojin lahaa joojinta tacdiyadaha ka dhanka ah Jinsiga




Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay sidii sharciyan loo xoojin lahaa joojinta tacdiyadaha ka dhanka jinsiga ( Kufsiga). waxaana si gaar diiradda loogu saaray sare u kaca ku yimid intii lagu guda jiray Xiyaraaddii COVID-19.

Kulankan oo ay ka so qayb-galeen Xubno ka kala socday Ururadda Bulshadda Rayidka ah, Laanta danbi baarista ee CID-da, bahda Caafimaadka, Hay’addo Maxali ah iyo Qareeno Soomaaliyeed, waxaa la isla qaatay in si wadda-jir ah looga wadda shaqeeyo in dhibanayaashu cadaalad helaan.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in labadii bilood ee la so dhaafay la so gaarsiiyay ilaa lix kiis oo kufsi ah, kuwasoo dadka ku eedaysan ay u xiran-yihiin. Laanta danbi barista ayaa dhinaceeda cadeysay in intii lagu guda jiray Xanuunkii saf-mareenka ahaa ee Covid-19 in iyagana ay baaritaan ku sameeyen ilaa 11 kiis.

Sidoo kale, Saraakiil Caafimaad oo ka socotay Cisbitaalka Madiino oo kulanka ka qayb-galay ayaa sheegay in dhibanayaashu ka so daahaan Cisbitaalka oo aysan deg deg u imaan, taaso inta badan keenta in natiijadda baaritaanka  ay so saarto nagetive.

Dhinaca kale, Qareennadda sida gaar ka ah ugu dooda dadka dhibanaha u ah kufsiga ayaa sheegay in kufsigu ku badan-yahay meelaha ay dadka dan-yartu dagan tahay sida kaamamka barkacyaasha iyo meelaha aysan Saldhigyadda ciidanka aysan ka dhaweyn.

Ugu Danbayntii,  ka qayb-galayaasha kulankan ayaa isla qaatay in ay muhiim-tahay in wacyigalin balaaran la sameeyo, in la helo Qalabka lagu baaro DNA-ga eedaysanaha, in Garsoore gaar ah Maxakamaduhu u saaran kiisaska la xirira kufsiga iyo in Xog uruurin wadajir ah la sameeyo si loo ogaado hoos u dhac iyo kor u kac midka jira bil kasta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/22/2020 12:12 PM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan aya shaqadii ka joojiyay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee Jubbaland Maxamed Xasan Maxamed oo lagu eedeyay ku takrifal Maaliyadeed oo aan nidaamka maaliyadda Jubbaland waafaqsanayn.

8/22/2020 12:07 PM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xabsi shan sano ah iyo labo kun oo dollar oo ganaax lacageed ah ku riday haweenay lagu eedeeyay inay karin jirtay islamarkaana ka ganacsan jirtay maamdooriyaha qamriga ee loo yaqaan Calaqa.

8/22/2020 10:56 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Munnaasabad balaaran oo aay xilalka kula kala wareegayeen Taliyaha cusub ee loo soo magacaabay guutada 5-aad iyo Taliyahii hore ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/22/2020 3:40 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Maareeyaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya, Axmed Macalin oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka jimcaha ee telefishinka qaranka, ayaa sheegay diyaarad Qaad sidda in aysan cagta soo dhigi karin dhulka Soomaaliya.

8/22/2020 2:17 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa dowladdooda ugu baaqday inay suuqyo kuyaala qaaradda Afrika u raadiso ganacsiga Qaadka Miiroowga, si looga kaaftoomo baahida loo qabo Qaadka loo iib gayn jiray Soomaaliya.

8/22/2020 1:55 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Puntland ayaa soo bandhigtay maxaabiis katirsan Al-shabaab iyo hubkooda, kuwaas oo lagu qabtay dagaal xoogan oo shalay Al-shabaab kusoo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka daraawiishta Puntland oo kuyaala Aaga Calmadow.

8/22/2020 1:51 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan Saldhiga ay ku leyihiin Taliska Ciidamada Jabuuti xaafadda Howlwadaag.

8/22/2020 1:32 AM EST
Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku midaysan yihiin oo ay kagasoo horjedaan natiijada kasoo baxday shirkii magaalada Dhuusomareeb.