4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 22, 2020
Wasaaradda duulista hawada Soomaliya oo mar kale ku celisay in diyaarad Qaad sidda aysan imaan karin Soomaaliya
 

Sabti, Agoosto 22, 2020 (HOL) - Maareeyaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya, Axmed Macalin oo ka qeyb galayay barnaamijka kulanka jimcaha ee telefishinka qaranka, ayaa sheegay diyaarad Qaad sidda in aysan cagta soo dhigi karin dhulka Soomaaliya.

Maareeyuhu wuxuu sheegay inay tallaabo ka qaadeen diyaarado ka yimid dalka Kenya oo lagusoo qariyay baakado Jaad ah, isagoo sheegay dowladdu in ay u sahlantay inay ogaato diyaarad kasta oo isku dayda inay qaab kontarabaan ah dalka kusoo galiso Qaadka la mamnuucay.

“100% waxaan kalsooni ku qabnaa inaan gacanta ku hayno kantaroolka hawada Soomaaliya. Diyaarad kasta oo Qaad soo qaada waxaan ku celinaa waddanka ay ka timid. Waxaan la macaamilnaa duuliyadaasha, iyaga ayaa masuul ka ah waxa saaran diyaarada,” ayuu yidhi maareeyaha hay’adda  duulista Soomaaliya.

Wasiirka duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomar ayaa sheegay dowladda Kenya in aysan ka filayn in Qaad ay mamnuucday dowladda Soomaaliya kusoo qariso duulimaadyadeeda Soomaaliya.

Maxamed Salaad Oomar ayaa sidoo kale sheegay in ay dowladdu hubisay in diyaaraddaha Qaramada Midoobay lagusoo qariyo Jaad, wuxuu sheegay inay baaritaan ku sameeyeen diyaaraddo UN-ka leeyahay oo laga shakiyay.

Dowladda Soomaliya ayaa bishii march ee sanadkaan mamnuucday Qaadka ka yimaada dalka Kenya sababo la xidhiidha faafitaanka cudurka Covid19.

Balse iyadoo la qaaday xanibaada duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Covid19, ayay dowladda Soomaaliya weli meesha ka saarin mamnuucista Qaadka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]