4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 21, 2020
Madaxweyne Waare “Siyaasiyiinta yeeysan isku jabsan dhalo siyaasadeed”
 

Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in siyaasiyiinta iyo hoggaanka Soomaaliyeed ay u turaan dadka iyo dalka si uu u qaan-gaaro nidaamka dowladnimo ee ka jira Soomaaliya .

Waare ayaa tilmaamay in ayaan-darri ay tahay in la isku  jabsado “Qarshe siyaasadeed” isagoo ugu baaqay guud ahaan madaxda in la isku tanaasulo oo aan la isku arkin Indho aan aheyn kuwa Soomaaliyeed.

“Bal ka warran hadii aan hotel shirko ku nahay oo si loo xisaabtamo, la iskusoo qaato baangado iyo mindiyo, ma idinla tahay in uu sii shaqeynayo ganacsigaas oo lagusoo hiran doono” ayuu madaxweyne Waare ka sheegay munaasabad lagusoo xerayay Wejigii seddexaad ee shirka Dhuusamareeb.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa hadalkiisa ku daray in doorasho kasta loo baahanyahay iney qaato diyaar garow, taasna ay muhiim tahay in la wada fahmo.

Hadalka madaxweyne Waare ayaa waxa uu imaanayaa xilli shirka maanta Dhuusamareeb lagusoo xeray ay ka maqanyihiin madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]