10/25/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 21, 2020
Puntalnd oo ka jawaabtay hadal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya


 

Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntaland ayaa beesha Caalamka usoo jeediyay in la joogo waakhtigii ay saaxiibada Soomaaliyeed fahmi lahaayeen halka ay u socoto siyaasadda dalka iyo marxaladda kala guurka ah, taas oo muhiimad wanaagsan u leh dowladnimada Soomaaliyeed.

Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah la taliyaha madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu bartiisa Twitter-ka ku qoray in saaxiibada beesha Caalamka ee Soomaaliya fahmaan halka uu jiro xalka Soomaaliya .

“Run ahaantii waa xilligii saaxiibbadeenna  fahmi lahaayeen oo ay bogaadin lahaayeen in Soomaalida mar kasta ay go’aannadooda sameysan jireen marka la gaaro doorashada dalka, sidaasna ay sii ahaan doonaan. Erayga ‘Qaswade”  wax macno ah malaha” ayuu ku yiri Nuuradiin Aadan Diiriye Qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Hadalkaan ayaa waxa uu jawaab uga dhigay qoraal ay Twitter-ka soo gelisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu sheegay in dhinacyadii ka maqnaa heshiiskii Dhuusamareeb ay yihiin qaswadayaal , Mareykankana uusan sii taageeri Karin.

Maamullada Jubaland iyo Puntland ayaan qeyb ka aheyn heshiiskii nooca doorashada ahaa ee lagu gaaray caasimadda Galmudug.

 

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/21/2020 10:13 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu magacii ka bedalay magaalada Dhuusamareeb, kadib marka sida uu sheegay uu soo jeedin badan ka helay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka deegaanka .

8/21/2020 10:10 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in siyaasiyiinta iyo hoggaanka Soomaaliyeed ay u turaan dadka iyo dalka si uu u qaan-gaaro nidaamka dowladnimo ee ka jira Soomaaliya .

8/21/2020 10:04 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay seddex ruux oo u dhashay dalka Iiraan oo ay Af-duubteen sanadkii 2015-dii, sida lagasoo xigtay sargaal sare oo lataliye ka ah dembiyada badaha ka dhaca oo saldhiggiisu yahay waddanka Kenya.

8/21/2020 6:29 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku gaaray heshiis ku aaddan nooca doorashada Soomaaliya ay noqoneyso madaxweynaha dowladda faderaalka ah, hoggaamiyayaasha maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

8/21/2020 6:18 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Ciidamada Mareykanka ee ka howl-gala qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen weerar duqeyn ah oo ay shalay ku qaadeen deegaan hoos tega Kuntuwaarey oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose. Waxayna sheegeen in ay la bartilmaameedsadeen xubno kamid ah Alshabaab oo halkaas ku sugnaa.