10/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 21, 2020
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka fuliyay Shabeellada hoose


 

Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Ciidamada Mareykanka ee ka howl-gala qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa waxay faah faahin ka bixiyeen weerar duqeyn ah oo ay shalay ku qaadeen deegaan hoos tega Kuntuwaarey oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose. Waxayna sheegeen in ay la bartilmaameedsadeen xubno kamid ah Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Taliyaha dhinaca howl-gallada ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Joel Tyler ayaa sheegay in duqeymahaas aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay.

“Duqeyn 20-kii bishan August ee sanadkaan 2020-ka aan ka fulinay duleedka Kuntuwaarey ma jiraan cid rayid ah oo wax ku noqotay, waxaan la beegsannay Al-shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka  AFRICOM .

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Mareykanka lagu eedeeyay iney duqeymo ku dileen dad rayid ah .

Dhinaca kale Joel Tyler ayaa sheegay in duqeymahan ay ku taageerayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya si ay uga adkaadaan Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/21/2020 10:13 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu magacii ka bedalay magaalada Dhuusamareeb, kadib marka sida uu sheegay uu soo jeedin badan ka helay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka deegaanka .

8/21/2020 10:10 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in siyaasiyiinta iyo hoggaanka Soomaaliyeed ay u turaan dadka iyo dalka si uu u qaan-gaaro nidaamka dowladnimo ee ka jira Soomaaliya .

8/21/2020 10:04 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay seddex ruux oo u dhashay dalka Iiraan oo ay Af-duubteen sanadkii 2015-dii, sida lagasoo xigtay sargaal sare oo lataliye ka ah dembiyada badaha ka dhaca oo saldhiggiisu yahay waddanka Kenya.

8/21/2020 6:32 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntaland ayaa beesha Caalamka usoo jeediyay in la joogo waakhtigii ay saaxiibada Soomaaliyeed fahmi lahaayeen halka ay u socoto siyaasadda dalka iyo marxaladda kala guurka ah, taas oo muhiimad wanaagsan u leh dowladnimada Soomaaliyeed.

8/21/2020 6:29 AM EST
Jimco, Agoosto 21, 2020 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku gaaray heshiis ku aaddan nooca doorashada Soomaaliya ay noqoneyso madaxweynaha dowladda faderaalka ah, hoggaamiyayaasha maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.