4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay qaadayso tallaabo ka dhan ah Taiwan
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Taiwan inay ku xadgudubtay Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay xafiis diblumaasiyadeed ay ka furatay Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diidan tahay kala fogaanshaha iyo kala qeybinta Taiwan ku sameynayso midnimada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ugu yeertay Taiwan inay joojiso howlaha ay ka wado Somaliland islamarkaana ay gorgortan gelin karin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay qaadeyso talaabooyinka lagama maarmaanka ah qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka iyo Madax-bannaanida siyaasadeed.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]