4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in shirkii Dhuusomareeb uu furmay lana gaaray isfahan guud
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor, ayaa sheegay inuu furmay wajigii koowaad ee shirka Dhuusomareeb 3 ayna madaxdu ka doodeen qaababka doorasho ee ay guddiga arrintaan loo xilsaaray usoo gudbiyeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu sheegay in dhinacyada shirka ay si guud wax iskugu afgarteen welina ay doodu socoto, Wuxuu intaas ku daray in ay sugayaan tallooyinka madaxweynayaasha shirka ka maqan.

Madaxweyne  Qoorqoor, wuxuu ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland inay yimaadaan Dhuusomareeb, isagoo caddeeyay in shirka Dhuusomareeb uu u xayiran yahay maqnaanshahooda, inkastoo uu xusay inuu dareensan yahay in ay la maqan yihiin tabashooyin ay qabaan.

“Waa la kala duwanaan karaa, waa jiri karaan waxyaabo aan lagu wada qanacsnaayn. Balse waxaan ka codsanaynaa walaalaha sharafta leh, saaxiibaday inay yimaadaan gogasha, Xaaaladda dalku maanta marayo iyo baahida loo qabo in dalkaan doorasho ka dhaco, uma baahna in waqtigu ku dhumo waxyaabo aan ku aadanayn maslaxadda,” ayuu yidhi madaxweynaha Galmudug.

Qoorqoor wuxuu sheegay inuu la xidhiidhay madaxweynayaasha maqan uuna rajo wanaagsan ka qabo inay yimaadaan Dhuusomareeb.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in shirka Dhuusomareeb uusan u baahnayn in damaanad loo helo wixii kasoo baxa.

“Halkaan waxaan maanta ku nimid isfahan dhexdeena ah, iyadoo aan ciddina nagu dhex jirin, madaxda Soomaaliyeed iyagaa isfahmaya iyagaana damaanad isku ah, waxaana ku kalsoonnahay wixii kasoo baxa Dhuusomareeb 3 inay fulayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Qoorqoor.

Marka taas laga yimaado, waxaa madaxweynuhu uga mahad celiyay taageerada ay beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]