4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2019
Taliyihii qeybta Booliiska G Hiiraan iyo taliyihii Saldhigga degmada Beledweyne oo shaqo joojin lagu sameeyay

 

Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)- Kaddib Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka qeybta 27aad ee gobolka Hiiraan ayaa shaqo joojin ku sameysay Ku simihii taliyaha Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle & Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Gaashaanle Cabdi Cumar Siyaad.

Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabelle Cornel Xasan Dhicisow ayaa lagu amray in uu fuliyo amarkan ka soo baxay Maxkamada ciidamada qeybta 27aad ayna waajibaadka shaqo la wareegaan ku xigeenada labada sarkaal ee shaqo joojinta lagu sameeyay.

Hoos ka akhriso Qoraalka Shaqo joojinta :-

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]