Garyaqaan Mubaarak Cabdi oo saddex sanno joojiyey xirfadii qareenimo ee uu ku shaqayn jirey
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah dhallinyarada qareenada ah ee madaxa banaan ayaa sheegay inuu shaqadii qareenimo uu muddo saddex sanno joojiyey inuu ku shaqeeyo illa inta sharciga sidiisa loo raacayo.
Qareen Mubaarak ayaa sheegay in
qaabkan imika maxkamaduhu u shaqeeyaan aanay ahayn sharcigii looyar ku shaqayn
lahaa,isla markaana meel la iska dhigay sharcigii difaaca qofka dambiga lagu
soo eedeeyey oo ahay inuu si dhamaystiran ugu doodi karo qofka dambiga loo
haysto.
“Waxaan maanta ummadda u sheegaya
in aan joojiyey mihnadii qareenimo ee ee aan ku shaqayn jirey muddo gaadhaysa
sadex sano, sababtaan u joojiyey ku shaqaynta qareenimo waxay tahay waxaan
doonayey in dadka dhibaataysan aan u doodo oo aan caawiyo, ilaahay baan ugu
mahadcelinaya intii uu I waafajiyey ee aan caawin karayey, sababta u weyn ee
aan u joojiyey Somaliland sharcigu kuma shaqaynayo, sharcigii meel baa la iska
dhigay,Intii aan shaqaynayey waxaan ogaaday in aanay maxkamadaheenu u dhisnayn
meel uu qof qareen ahi ku shaqeeyo, waxaan maalin walba isku haysana
maxkamadihii waar waxan dastuurka ku qoran ha la raaco.”ayuu yidhi qareen
Mubaarak Cabdi.
Garyaqan Mubaarak Cabdi ayaa
ka mid ahaa saddexdii looyar ee u
doodayey wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaana maanta maxkamadda racfaanku
dib u dhagaystay dacwaddii lagu haystay wariye Coldoon, iyadoo la filayo in
maalmaha soo socda ku dhowaaqi doonto xukunka wariye Cabdimaalik Coldoon oo
hore maxkamadda degmaddu ku xukuntay saddex sanno iyo badh.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.