Kulan howleed u socday Hayadaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo la soo gabagabeeyay
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Hay’adood ee u xilsaaran Arrimaha Dib-ueegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Dib -uEegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka 15 – 17 Sebtember 2019, ayaa lagu qiimayay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadka 2019.
Kulankaas ayaa hay’adaha u xil-saaran dib u eegista Dastuurka waxay
si qoto-dheer u falanqeeyeen dibna u eegeen tubta geedi socodka dib -u –
eegista Dastuurka iyo qorshayaasha kale ee la jaanqaadayey, ayagoo isla
qaatey qodobada soo socda:
1. Hay’adaha ka shaqeeya dib u eegista
dastuurka ee heer Federaal waxa ay bogaadiyeen guusha laga gaaray dib u
eegista dastuurka gaar ahaan dib u eegista dhanka farsamada ee lagu
sameeyay 15ka cutub ee Dastuurka KMG balse waxaa ay isla qireen inay
weli harsan yihiin qaybo ka mid ah arrimaha wadaxaajoodka siyaasadeed u
baahan.
2. Ayadoo laga anbaqaadayo qorshahii hay’adaha dastuurka
ee wakhti dhamaadkiisu ahaa December 2019 ayaa haddaba waxaa ay isla
meel dhigeen hay’adaha in loo baahan yahay wakhti dheeraad ah oo lagu
dhamaystiro howlaha harsan dib u eegista dastuurka kaas oo ay isku
afgarteen in howlaha dhiman lagu soo afjaro ugu danbeyn Juun 2020 ka
horna loo
gudbiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .
3.
Hay’adaha Dastuurka waxaa ay ugu baaqayaan Madaxda sare ee Dawladda
Federaal iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka inay sida ugu
dhakhsiyaha badan heshiis wax ku ool ah uga soo gaaraan arrimaha
wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan ee ku jira Dastuurka ayadoo
hay’adaha Dastuurka ee heer Federaal iyo kuwa dawladaha xubnaha ka ah ay
la diyaar yihiin inay ka caawiyaan dhinaca farsamada.
4. Waxaa la
go’aamiyay in sadexda hay’adood ayagoo kaashanaya hay’adaha dastuurka
ee dawladaha xubnaha ka ah federaalka bilaabaan latashiyada dadwaynaha
ee dib-u eegista dastuurka.
5. Hay’aduhu waxaa ay mar kale
adkeynayaan in sida ugu dhakhsaha badan lagu soo dhameystiro xubnihii ku
matali lahaa Dowlad Goboleedyada Guddiga Madaxa-banaan ee
Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.
6.
Hay’adaha Dastuurka waxaa ay u mahadcelinayaan Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya iyo hay’adaha Caalamka ee teegaara Geedi-socodka dib u
eegista Dastuurka gaar ahaan UNDP iyo Max Planck iyadoo lagu boorinayo
inay sii dar-dar geliyaan taageeradooda si howsha dhiman loogu
dhameystiro waqtiga dhiman.
Gabagabadii, anagoo og in Dastuurku
yahay arrin masiiri ah una baahan wadaxaajood siyaasadeed, is-afgarad
iyo isu-tanasul ayaa hay’adaha dib-u-eegista dastuurka waxay u
xaqiijinayaan umadda Soomaaliyeed in geedi socodka dib-u-eegista
dastuurka uu gabo-gabo yahay lana dhamaystiri doono inta dhiman muddada
loo asteeyey ee kor ku xusan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]