4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2019
Mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii lagu dilay Sheikh Cabdiweli Cali Cilmi Yare oo Gaalkacyo lagu maxkamadeeyay

Arbaco, November, 20, 2019 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta soo gabagabeysay dhegaysiga dacwad loo haysto Cabdulaahi Cali Maxamed, oo kamid ahaa  raggii ka qeyb qaatay weerarkii lagu dilay Sheikh Cabdiweli Cilmi Yare oo ahaa wadaad caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo.

Ninkaan oo magaciisa afgarashada ah loo yaqaano Maxamed, ayaa nolasha lagu qabtay, kadib markii lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday guriga wadaadka taariikhdu markay ahayd 26-kii bishii 11-aad sanadkii 2018.

Dhegaysiga maxkamada oo ka dhacay Gaalkacyo, ayaa laga hor aqriyay qiraalka eedeysanaha, waxaana loo haystaa inuu dad shacaba iyo askar ku laayay gudaha xarunta uu weerarku ka socday.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa sheegay in maxkamadu go'aan kasoo saaridoonto xukunka eedeeysanaha, kadib markii uu dhegaystay dacwada xeer ilaaliyaha iyo qareenka.

Hiiraan Online