4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in askari ilaalada gudoomiye Cirro ahi uu toogtay sarkaal ciidanka ka tirsan

 

Isniin, November 18, 2019 (HOL )– Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Gen:Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle ayaa sheegay in ilaaladdda gudomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro uu toogtay taliyaha qaybta booliska ee bariga Magaalada Hargeysa, halka askari kalena taageerayaasha xisbigu dhagaxaan la dhaceen.

Taliye Dabagalle ayaa sheegay inuu masuuliyada wixii meesha ka dhacay uu qaadayo gudoomiyaha xisbiga WADDANI, waxaaanu xusay in ciidanka boolisku taxadar badan sameeyeen oo rasaaska lagu riday aanay ka qaadin wax talaabo ah.

“Gudoomiyaha xisbiga WADANI wuxuu iskugu yeedhay taageerayaashiisii intay gacmaha is qabsadeen ayey soo jiidheen ciidankiii, waxaana mudaharaadka bilaabay gudoomiyaha xisbiga, askartii iyagoo dhawraya oo ilaalinaya ayaa xabad waxa ku soo riday askari la socdo gudoomiyaha oo loo siiyey in isaga amaankiisa ilaaliyo, waxaanu toogtay taliyihii qaybta bariga magaaladda ee goobtaasi joogay sidaas buu gudihii xisbiga ku gallay, iyadoo nabada la ilaalinayo askartii badnayd ee meesha joogtay uma jawaabin oo wax talaabo ah kama qaadin waan garanayna magaciisa waana lala xisaabtami doonaa, waxa kale oo jira askari kale oo dhaawac ah oo kooxdaasi la socotay dhagaxaan la dhaceen oo cisbitaalka yaalla, rabshadahaasi dhacay ee aanu ka dignay waxa ka masuulla gudoomiyaha xisbiga, waxa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay inuu sadex cisho hawshaasi sii waddi doonno.”ayuu yidhi taliye Dabagalle oo ka hadlayey rabshadihii dhacay iyo khasaaraha ciidanka ka soo gaadhay.

Isku soo baxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee khasaarihiisu yar yahay, taasna waxa sababay ka dib markii uu ciidanku u fasaxay xafiiskii xisbiga, iyagoo ka baqday inuu khasaaro badan ka dhasho is hujuunka ciidanka iyo taageerayaasha xisbiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.