4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2019
Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ansixiyey oddoroska miisaaniyad sanadeedka 2020-ka

 

Axad, November 17,  2019  (HOL )– Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey  miisaaniyadii qaranka 2020-ka oo cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 SLSH (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin Somaliland), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka.Kal-fadhigii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka.

Miisaaniiniyad-sannadeedka 2020-ka oo ay golaha horkeentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somalilnad,ayaa cadadkeedu dhan yahay 2,751,304,880,098 (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin), waxana ay 18% (Boqolkiiba siddeed iyo toban) ka badan tahay miisaaniyad-sannadeedkii 2019ka.

Oddoroska Miisaaniyadda cusub, ayaa diiradda saari doonta nabadgelyada, Ictiraaf-raadinta, horumarinta caafimaadka, Biyaha, waxbarashada, doorashooyinka, daryeelka deegaanka iyo duur-joogta, wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka, Macdanta iyo Tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Meelaha la oddorasayo inay miisaaniyadda cusubi ka iman doonto, ayaa waxa kamid ah cashuuraadka kala duwan ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan oo iyadu halbawle iyo saldhig u ah Aas-aaska dawlad-nimada, waxana ay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee horumarka Somaliland (SNDPII), islamarkaana waxa ay ka turjumaysaa Barnaamuj-siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE iyo ballamihii uu ku galay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 2017-kii.

 

Diood iyo falanqayn ka dib waxa uu madaxweyne Biixi uu cod geliyey Ansixinta oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka, waxana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhammaanba xubnihii golaha wasiirrada ee kalfadhiga ku sugnaa, iyada oo aanay jirin cid ka aamustay iyo cid diidday midna.

Miisaaniyaddan ay maanta oddoroskeeda ansixiyeen golaha wasiirradu, ayaa ah tii 29-aad ee uu yeesho qaranka Somaliland, taas oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysay, waxana ay u gudbaysaa golaha wakiillada Somaliland oo ka gudan doona waajibaadkooda Dastuuriga ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.