Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay guddiyada gurmadka Fatahaada ee iskood isku xilqaamay
Axad, November, 17, 2019 (HOL) - Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa
Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha
Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Kenya.
Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada
gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan
walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu
jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey
xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha
gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey
lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada
Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka.
Dhankooda, xubno heer Dowlad Goboleed ah oo ka
socday is-xilqaameyaasha howlaha gurmadka Puntland oo kulankan hadallo ka
jeediyey ayaa soo bandhigay dareenka walaaltinimo iyo midka taakuleyneed ee
bulshada deegannada Puntland ay u muujiyeen walaalahooda ay wax-yeelleeyeen
fatahaaduhu.
Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ayaa la
wadaagay guddiyadan is-xilqaameyaasha ah warbixin ku saabsan dadaallada
dowladdu ay horseedday ee lagu wajahay musiibadan, xaaladda dadka deegannada
iyo qorsheyaal heer Qaran ah oo xal waara loogu sameynayo arrimaha fatahaadaha
wabiyada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]