Deeq lacageed oo la gaarsiiyay Dugsi ay wax ku bartaan Dadka Maqalka La' magaalada Muqdisho
Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)–Dugsigan oo
shaqeynayay mudo Labo Sano ah kuna yaala degmada Dherkeenley ee gobolka
Banaadir ayaa la gaarsiiyay Deeq Lacageed oo isugu jirta, hal Sano oo Kirada
Dugsiga ah, qeyb ka mid ah mishaarka, lacag ay u isticmaali doonaan Shidaalka
Gaadiidka u shaqeeya Dugsiga ee Ardeyda qaada.
Maamalaha hay'adda Hormuud Telcome Foundation Cabdullaahi Nour Cismaan oo deeqdan
gaarsiiyay Dugsiga ayaa sheegay in qeyb ka tahay taageerada ay ku caawinayaan goobaha
waxbarashada ee u baahan in la caawiyio.
Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya hay’adda
Horumarinta waxbarashadda Dadka maqalka la’ iyaddoo la soo bandhigay baahiyaha
ay qabaan Maamulada Iyo Macalimiinta Dugsigaasi wax ka dhigta.
Cabdifitaax Mubaarik Maxamed oo ah Maamulaha
Iskuulkan ayaa Madaxda Hay adda Hormuud Foundation uga mahad celiyayy Deeqda
Dhaqaale ee la gaarsiiyay Dugsiga, wuxuuna sheegay in ay wax weyn ka tari karto
baahida Macslimiinta Iyo Dugsigaba.
Talaabadan Qeybinta Deeqdan dhaqaale ayaa ku soo
beegmeysa iyadoo Hay’adda Hormuud Telcome Foundation maalmihii ugu dambeeyay
waday tageero dhaqaale loogu muujinayod dadka dhibaateysan ee ku nool
degmooyinka gobolka Banaadir.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]