Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe
Jimco, May, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha
Dhexe gaar ahaan degmada degmada Mahadaay ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ka
fatahay deegaanno ka tirsan degmadaas,isla markaana fatahaada uu geystay
khasaaro hantiyadeed.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Wabiga uu ku fatahay deegaanka
Buulo Axmed Cigow oo duleedka ka ah degmda Mahadaay, waxaana wararka
halkaa ka imanaya sheegayaan in uu geystay khasaare maaliyadeed.
Dad ku sugan degmada Mahadaay ayaa waxaa ay sheegeen
in Wabiga dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku soo kordhayeen biyo,taas oo
keentay in ugu dambeyn uu xalay fatahaad ka sameeyey tuulada Buulo Axmed Cigow
.
Fatahaadan ayaa baabi'isay beero ay ku
abuurnaayeen dalagyo kala duwan,sidoo kale guryo ay deganaayeen dad Shacab ah, islamarkaana dadka badi ay ka barakaceen Buulo Axmed Cigow .
Wabiga Shabeellaha ayaa labada xili roobaad inta badan karkaarada jabsaday isaga oo khasaare u geystay dadka iyo duuniyada ku dhaqan deegaannada biyuhu ku fatahaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]