Diyaarad Dubai ku burburtay oo ay dad ku dhinteen
Jimco, May, 17, 2019 (HOL) – Afar ruux ayaa
dhimatay ka dib markii ay diyaayad yar ku dhacday meel saddex mayl u jirta
Garoonka caalamiga ah ee Dubai.
Saddex
ruux oo reer Britain ah iyo mid reer Koonfur Afrika ah ayaa saarnaa diyaaradan
nooceedu yahay DA42 oo ka diiwaan gashan UK, sida ay sheegeen masuuliyiinta
iskutagga Imaaraadka.
Diyaaraddan
oo afar kursi leh waxaa leh shirkadda Flight Calibration Services, taas oo
fadigeedu yahay Shoreham Airport oo ku yaalla West Sussex.
Shirkaddan
ayay shaqaalaheedu adduunka ku safraan si ay u bixiyaan caawimaad duulimaadyada
la xiriirta, iyadoo arrimaha ay qabtaanna ay ka mid tahay qiimaynta raadaarrada
iyo iyo waxyaabaha kale ee la xiriira qalabyada soo dagitaanka diyaaradaha
qaabilsan ee garoommada yaalla.
Hay’adda
guud ee qaabilsan la socoshada badqabka diyaaradaha ee magaceeda loo soo
gaabiyo GCAA ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan
Warbaahinta
gudaha ayaa ku warrantay in diyaaradda ay ku dhinteen duuliyihii, caawiyihii
duuliyaha iyo labo ruux oo rakaab ahayd.
Duulimaadyo
ayaa dib loo dhigay kuwo kalana meelo kale ayaa loo weeciyay, garoonk
diyaaradaha ayaana la xiray 45 daqiiqo.
Garoonkaas
ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida oo dhan sida ay sheegtay
international passenger traffic
Wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegtay “in ay si dhaw ula shaqaynayso
dawladda Imaaraadka ka dib markii ay soo yeertay in ay diyaarad yar ku dhacday
Dubai.
Shirkadda
Honeywell ee Maraykanka laga leeyahay oo ka shaqaysa arrimaha injineeriyadda
iyo duulimaadyada ayaa sheegay in ay kiraysatay diyaaradda DA42 iyo adeegga ay
bixiso shirkadda leh si ay shaqo uga soo qabato Dubai.
War
qoraal ah oo ka soo baxay Honeywell ayaa lagu sheegay “in ay aad uga murugootay
diyaaradda maanta ku burburtay Dubai, isla markaasna ay u tacsiyaynayaan ehelka
dadka dhintay.
Xigasho BBC