4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 24, 2019
Dhismihii caanka ahaa ee Beyxaani oo lagu wareejiyay sannado badan ka dib qoyskii lahaa

Axad, March 24, 2019 (HOL)-  Maamulka gobolka Banaadir ayaa Qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey gurigooda oo in mudda ah gacantooda ka maqnaa, gurigan la wareejiyey ayaa waxa uu yahay guri caan ah loona yaqaano Sarta Beyxaani ee degmada Shibis.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii shacabka hantidooda xoog lagu heysan jiray, isla markaana uu maamulkiisa u dul-qaadan doonin in muwaadin Soomaaliyeed hantidiisa si xoog ah lagu heysto.

"Maamulka Gobalka Banaadir waxuu u taagan yahay ilaalinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda, waxaa naga go’an in caddaalad aan ku shaqayno muddadii aan joognayna waad la socotaan inta shaqsi ee guryahoodii dib u helay, taasoo ina tusinaysa sida aan diyaarka ugu nahay ilaalinta hantida shacabka, maantana waa maalin kale oo noo suuragashay in Qoyska reer Axmed Beexaani ay gurigoodii dib u helaan". ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Sannadihii u dambeeyay ayaa muwaadiniin Soomaaliyeed waxaa dib loogu celiyay dhismayaal iyo hanti kale oo ay ku lahaayeen caasimadda Muqdisho,kuwaas oo shaqsiyaad ay heysteen tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]