4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Ciidanka Puntland oo sheegay 19 dagaallame inay ka dileen ururka al-Shabaab

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Ciidanka amniga Puntland ayaa guullo ka sheegtay howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Bari gaar ahaanna deegaannada Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow.

Howlgalka ayaa la sheegay inay ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ku dileen ugu yaraan 19 dagaallame oo ka tirsan ururka al-Shabaab tiro kalana howlgalka lagu dhaawacay.

"Ciidamada PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxayna Al Shabaab ka dileen 19 xubnood , iyagoo tiro kale oo intaa ka badan oo Al Shabaab ahna dhaawacyo gaarsiiyey,sidoo kalena ciidamada PSF waxay ka gubeen Al Shabaab raashin ay kaga carareen goobihii ciidamadu ku weerareen". ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka PSF-ta Puntland.

Warka ka soo baxay ciidanka ayaa sidoo kale lagu sheegay howlgalka in lagu gubay saldhigyo iyo weliba raashin,iyadoo inta lagu daray in howlgalkan uu ka midyahay howlgallo qorsheysan oo lagu raadinayo dagaalyahannada al-Shabaab ee ku sugan buuralayda Calmadow.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]