4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka aamustay codbixin ka dhan ah go'aanka Mareykanka ee buuraha Golan Heights

 

Sabti, Maarso,  23, 2019 (HOL)- Golaha Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadan ayaa Jimcihii shalay fadhi uu ku yeeshay xarunta Geneva ee dalka Switzerland  waxaa ugu dooday islamarkaana uu cod u qaaday go’aanka madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu Buuraha Golan Heights ugu aqoosaday dhul ay Israa’iil leedahay.

Inta badan wadamada reer Galbeed oo xitaa ay ku jiraan dowladdo saaxiib la ah Mareykanka ayaa siweyn uga soo horjeestay tallaabadan Mareykanku uu ku bixinayo ama Golan ugu aqoosanayo dhul ay Israa’iil leedahay.

Guud ahaan marka la eego fadhiga waxaa gabi ahaanba ka soo horjeestay in dhulkaasi ay qaadato Israa'iil 26 dowladdood, halka 16 ay taageereen go'aanka Mareykanka.

Waxaa la yaab leh in codbixintan ay ka aamustay dowladda Soomaaliya oo waliba xiligan ah guddoonka ururka Jaamacadda Carabta, waxeyna ka mid noqotay shan (5) dowladdood oo ka aamusay qaraarkan oo ay ka mid yihiin dalalka Cameroon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Fiji iyo Rwanda.

Safiirka Soomaaliya ee Golaha Xuquuqda Aadan Geneva u fadhisa Faadumo Insaaniya ayaa wali ka hadal sababta dowladda Soomaaliya ay u taageeri weyday codbixintan ka dhanka ah go'aanka Mareykanka ee Golan.

Hiiraan Online oo xiriir la sameysay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad wali kama uusan jawaabin arintan.

Buuraha Golan Heights ayaa Israel ku qabsatay dagaalkii 1967dii waxayna Israel sheegatay in uu buurahaas uu ka mid yahay dalkeeda sanadkii 1981kii mana jirto wadan ka mid ah caalamka oo aqoonsaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]