4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Soomaali markii ugu horeysay Wasiir ku-xigeen ka noqday gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Xamza Warfaa oo ah Nin dhalinyaro ah oo Soomaali ah ayaa markii ugu horeysay noqonaya Wasiir ku-xigeenka Shaqada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa sidoo kale Xamza Warfaa u magacaabay in uu noqdo madaxa kobcinta dhqaalaha , waxaana magacaabistiisan siweyn u soo dhaweeyay dadka laga tirade badan ee yahay iyo soogalootiga ku nool dalkaasi Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

Mar uu warbaahinta la hadlay ayuu sheegay in ay farxad galin doonto tilaabaddan, islamarkaana uu waxbadan u qaban doono Bulshada degaanka.

Xamsa ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee la siiyo Abaal marinta sanadlaha ah oo ay bixiyaan Hay’adaha deeqaha bixiya ee gobalka Minnesota Sanadkii 2018-ka 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]