4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo kulan albaabadu u xiranyihiin la qaatay Xildhibaannada

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe,kaddib muddo labo toddobaad ah oo uu booqasho ku joogay magaalada Jabuuti iyo caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa koowaad, ayaa suxufiyiinta u sheegay in muddadii labadda toddobaad ahayd ee uu ku sugnaa Jabuuti iyo Muqdisho inuu kulamo la qaatay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kullamada wuxuu sheegay inay la xiriireen danaha Puntland gaar ahaana Baarlamaanka, wuxuuna intaas kaddib kulan albaabadu u xiranyihiin la qaatay xildhibaannada golaha wakiilada Puntland.

Ilaa hadda ma jirto warbixin rasmi ah oo ka soo baxday kulanka, balse warar horu-dhac ah ayaa u sheegay HOL in guddoomiye Cabdixakiin Maxamed , uu warbixin ka siiyay xildhibaannada safarkiisa ,iyadoo sidoo kale la isla soo qaadday sida uu Baarlamaanka dib ugu billaabi lahaa kullamadiisa oo muddo hakad ku jiray.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]