4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2019
Aqalka Congresska Marekanka oo cambaareeyay hadalladii Trump

Arbaco, July, 17, 2019 (HOL) - Aqalka Congresska dalka Marekanka ayaa si adag u cambaareeyay hadallo la isku raacay inay ahaayeen  cunsuriyad oo madaxweynaha Marekanka  Donald Trump uu ku yiri dumar aan caddaan ahayn oo ka tirsan Congresska.

240 xubnood oo aqalka Congresska ka tirsan ayaa qaraarka lagu cambaareeyay ugu codeysay Ha, halka 187  xildhibaan ay ka soo horjeedsadeen,taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhibaanka kaliya ee madaxa bannaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta.

Congresska ayaa hadallada Trump ku sheegeen inay sharciyeeyey, sarena u qaaday cabsida iyo naceybka loo hayo dadka Maraykanka ah ee cusub iyo dadka midabka leh.

Afhayeenka Aqalka hoose ,Nancy Pelosi ayaa ugu yeedhay Aqalka inuu u midoobo, sida ay hadalka u dhigtay, cambaareynta farriimaha twitterka ee cunsuriyadda ku saleysan ee madaxweynaha.

Trump ayaa Axaddii soo daayay tiro fariimo ah oo dhanka Twitter-ka ah ayaa afarta hablood ee kala ah Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]