Qarramada Midoobey oo ka digtay in la fara-galiyo doorashada Jubbaland
Talaado, July, 16, 2019 (HOL)=
Wakiilka cusub ee Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa maalintii
shalay gaaray magaalada Kismaayo oo sheegay in ay ka doonayaan doorashada
dhawaan ka dhici doonta Jubbaland in ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.
Mr Swan sidoo kale doorashadiisa ay
ka doonayaan in aysan noqon mid
dhinac-na laga faragalin isla markana mas’uuliyadeeda ay leedahay
dowlad-gobolleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay guddiga
doorashooyinka Jubbaland iyo xildhibaannada laga soo doorto Jubbaland ee
Baarlamaanka federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay.
Qorshaha soo xulista xildhibaannada
Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo
hore dib u dhac ku yimid, hasse ahaatee hadda ayaa lagu wadaa in qorshahaasi
dib loo bilaabo, iyadoo daba-yaaqada bisha Augusto ee naga soo foolka leh la
dooran doono madaxweynaha.
Inkastoo ay soo baxayaan digniinno la xiriira doorashada ayaa haddana waxaa xusid mudan in musharixiinta kula
tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ka qabaan shaki
badan oo la xiriira saameyn uu ku yeesho soo xulista xubnaha baarlamaanka.
Laakiin dhinaciisa Axmed Madoobe
ayaa ku eedeynaya dowladda federaalka in si dadbadan ay fara-galin ugu heyso
arrimaha doorashooyinka Jubbaland, balse dowladdu wax war ah kama aysan soo
saarin eedeyntaas.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]