Shirweynaha Qaran ee Isdhex-galka Ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland oo Muqdisho ka furmay
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) – Shirweynahaan
Qaran ee isdhaxgalka ganacsiga oo u dhaxeeya ganacsatada Dalalka
Soomaaliya iyo Finland ayaa daba socday mid kan ka horeeyay, kaasi oo lagu
qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland, waxaana hogaaminayey
Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha XFS oo ay wehlinayeen Wasaaraddaha
Qorsheynta iyo Maaliyadda.
Shir weynahaan Qaran ayaa waxaa isugu yimid in ka
badan 14 shirkadood oo ka socday dalka Finland iyo kuwa kale oo matalayey
Soomaaliya, waxaana Shirkaan inta badan diirada lagu saari doonaa muddo laba
maalin ah ee uu socon doono ganacsiga Tignoolajiyadda sida korontada , beeraha
iyo caafimadka oo qeyb ka ah waxyaabaha dalkeena baahida weyn uu u qabo,
sidoo kale waxaa soo saarka dalka ayaa qeyb ka ah Waxyaabaha laga hadli doono.
Yuusuf Maxamed oo ka mid ah
Ganacsatada Shirkan ka qeyb galay ayaa sheegay in sawirkii ay ka heysteen
Soomaaliya uu yahay mid ka duwan, islamrkaana nabada ka jirta Soomaaliya ay
tahay mid lagu dhiso karo isdhaxgal ay sameyn karaan ganacsatada Soomaalida iyo
Finland.
Wasiirka Qorsheynta iyo Hormarinta dhaqaalaha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in
Dawladda Soomaaliya ay albaabada u fureyso shirkadaha Ganacsiga ee Dalka
Maalgashanayo.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa
sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay xoogga saareyso siddii Suuq loogu heli lahaa
Wax soosaarka dalka.
Suuq geynta Awoodda dhaqaallaha ee Soomaaliya
ayaa Muhiim u ah Horumarka dalka uu ku talaabsaday, si uu wax ula
qeybsado Shirkadaha waa weyn ee Dunida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]