Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Itoobiya u joogi doonna Somaliland
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka cusub ee Itoobiya u joogi doonna Somaliland Amb:Shamsudiin Axmed Rooble.
Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley
Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub
yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Somaliland.
“Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda
Itoobiya ku bogaadiyey inay u soo magacowday Somaliland dublamaasi xeel dheeri
u leh shaqada safiirnimo, kana soo shaqeeyey dalal badan oo dunida ka mid ah,
isaga oo u rajeeyey safiirka in uu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada
shaqayneed ee xafiiskiisa uu haatan ka hawlgalaa hore u hayey.”ayaa lagu yidhi
qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame.
Kulankan, ayaa sidoo kale lagu
sheegay in lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka
dhexeeya dalalka Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan
iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada
mandaqadda geeska Afrika.
Kulanka waxa madaxweynaha ku
wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka
Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha
Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir
(Faro-toon).
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.