4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Saddexda xisbi oo taageeray mudada gaaban ee loo kordhiyey golaha Wakiilada

 

Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)- Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa soo dhoweeyey mudada loo kordhiyey golaha Wakiiladda oo ah muddo gaaban.

Inkastoo xisbiga WADANI taageersan yahay mudada la kordhiyey balse wuxuu ku doodayaa in aanay komishankan hadda joogaa aanay doorashadaasi qaban Karin ee la kala diro, haseyeeshee, mudadda la kordhiyey oo yar ayaa suuragal ahayn in komishanka la kala diro.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa wakhtigeedii kaga eegyahay bisha November,2019, waxaana doorashada la qabanayaa bisha December 2019, sidaas darteed muddo bil ah ayey komishanka doorashooyinku ku darsanayaan muddo xileedkoodii, maadaama oo bil komishan cusub lagu soo magacaabi Karin, waxay u muuqataa in iyagu doorashadan qabanayaan.

Haddii la isku fahmi waayo joogitaanka komishankan waxay sababaysaa in mar kale doorashaddu dib u dhacdo, waxaase ku xidhan tahay in xisbiyadu ku heshiiyeen joogitaanka komishanka, waxana hore Isku raacay inay komishanku joogaan labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, waxaase si adag uga soo horjeeda xisbiga WADANI.

Saddexda xisbi way isku raacsan yihiin inay sanadkan doorashadu dhacdo, waxayse ku kala duwan yihiin in komishankan hadda joogaa qabtaan doorashada iyo in aanay qaban.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland