Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay xarigga Mukhtaar Rooboow
Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) –
Magaalada Baydhabo waxaa ka soconaya
kulamo u muuqda in lagu xalinayo shaqaaqadii ka dhalay xarigga Mukhtaar Rooboow
oo sanadkii hore ciidamada Itoobiya ka qabteen gudaha magaalada Baydhabo isaga
oo ka mid ahaa musharixiintii u taagneyd qabashada xilka madaxweynaha.
Madaxweynaha cusub ee Koonfur
Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen oo la hadlayay odayaasha iyo
waxgaradka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu rajo badan ka qabo in dib
xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Rooboow oo hadda ku jira gacanta dowladda
Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in arintan uu kala
hadlay madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, sidaa daraadeed rajadiisu
tahay in la sii daayo wadaadka.
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku xiran Muqdisho
ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii ugu saameynta badneyd ee isku soo taagtay
qabashada xilka madaxweynaha, waxaana xariggiisa dad badan u arkayeen mid ay
dowladdu culeys ku saareyso musharaxa oo laga cabsi qabay in uu ku soo baxo
doorashada.
Wasaarradda Amniga ayaa qoraal ay soo saartay
markii la xiray kaddib waxaa ay ku sheegtay in wadaadka magaalada uu ka waday
falal amniga ka dhan ah.
Laakiin taa badalkeeda dad badan ayaa u arkayay
xariggiisa mid culeys lagu saarayay Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa
musharixiintii ugu saameynta badneyd olalaha doorashada, waxaana xusid mudan in
kol hore dowladdu uga digtay in uu doorashada ka haro.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed
Cabdicasiis Lafta-Gareen oo dhinaca dowladda u janjeera ayaa hadda u muuqda in
uu bilaabay kulamo dib u heshiisiin ah iyadoo siddii uu u kasban lahaa bulshada
gobolka oo siweyn uga hortimid xarigga Mukhtaar Rooboow.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]