Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi ka tirsan Odayaasha maamulka Koonfur Galbeed
Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey guddi ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed
Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa howlaha dib u
heshiisiinta ee Maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu
ka bilaabay deegaanada maamulkan.
Odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweynaha
Koonfur Galbeed u gudbiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay
muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulkan ka
hirgasho.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin
sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanadan iyo la
shaqeynta madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa.
Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa
odayaasha dhaqanka uga mahad celiyay Sida ay uga go’antahay horumarka
iyo maamul wanaaga deegaanadan, isagoo balan qaaaday in mamulkiisa uu
diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo
xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo.
Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa u mahad celiyay odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada deegaanadan, wuxuuna kula dar-daarmay in wax walba laga horumariyo danta dadka deegaanka ayna la shaqeeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed, si dadka
dowlad Goboleedkan ay u helaan nabad gelyo waarta iyo maamul wanaagsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]