Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha dalkasi Suleyman Soylu iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dhinaca.
“Waxaan xooga saaraynaa sidoo loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga dhanka horumarka arrimaha gargaarka bani’aadanimo iyo sugidda ammaanka'' ayuu yiri wasiir Soylu.
Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa muujiyay sida ay uga wada
qanacsanyihiin oo ay u rumeysan yihiin heshiisyadii ay kala saxiixdeen
labada dowlad Soomaaliya iyo Turkey sanadkii tagay ee 2018,waxaana
wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Mr Soylu uu sheegay in xiriirka
Soomaaliya kala dhexeeyo uu ka weynyahay mid diplomaasiyadeed oo qura
balse uu yahay mid saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ku dhisan,wuxuuna
xusay in taariikhda ay baal dahab ah ka geli doonaanan labada dhinaca.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa dhankiisa ka hadlay doorka Turkiga ee garab istaaga Soomaaliya.
“Soomaaliya marnaba ma iloobayso caawinaadii iyo garab istaagii Turkiga ee arrimaha bani’aadanimada sanadkii 2011,waana dowladii ugu horeysay oo talaabadaasi qaado,ilaahay ayaana ka abaal marin doona kaalintooda” ayuu yiri wasiir Isloow.
Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ku casuumay Wasiir Soylu in uu soo
booqdo Soomaaliya,iyadoo uu aqbalay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga
casuumaadaasi.
Wasiir Isloow ayaa ugu danbeyntii sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay
in kaalinteeda ay ka soo baxdu hadii ay dhacdo in walaalaha Turkigu ay maalin u baahdaan caawinaad iyo garab istaag.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]