Qatar oo gaadiid dagaal ugu deeqday dowladda Soomaaliya
Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-Dowladda Qatar ayaa ku wareejisay Wasaarradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya tiradii ugu badneyd gaadiidka dagaalka.
Ilaa 68 gaadiidka gaashaaman ah ayeey dowladda Qatar ku wareejisay dowladda Soomaaliya waxaa ay gaadiidkan ugu talagashay in ciidamada militariga dowladda Soomaaliya isticmaalaan xiliyada ay jiraan dagaallada.
Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkaan waxaa lagu wareejiyay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Indhoqorshe, waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa Wasiirka difaaca Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka socday dowladda Qatar ayaa sheegay in Gaadiidkan loogu tala galay in Ciidanka xoogga ay kula dagaallamaan dagaalyahanada Al-Shabaab, waana nooca ay adeegsaddaan Ciidanka AMISOM.
Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta dagaalyahannada Ururka Al-shabaab waxaana muuqata in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa militariga u baahnaayeen in ay helaan gaadiidkan oo kale oo ka caawin doona dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]