4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
Ciidamo tababar loogu soo xiray magaalada Beledweyne oo loo qaaday degmada Dhuusa-Mareeb

 

Axad, September, 15, 2019 (HOL)- Boqolaal dhalinyaro ah oo ka mid noqonaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalintii shalay tababar loogu soo xiray xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne ayaa saakay loo qaaday xerada 21aad ee degmada Dhuusa-Mareeb oo ay ka howlgali doonaan.

Dhalinyaradan oo saakay ka dhaqaaqay deegaanka CeelJaale ee dulleedka magaalada Beledweyne oo ay xalay ay ku sugnaayeen ayaa waxaa horay u sii galbiyay gaadiid dagaal oo ka tirsan guutada Shanaat ee qeybta 27aad oo uu horkacayo Col Faarax Cali Kooshin .

Maalmihii ugu danbeeyay magaalada Beledweyne waxaa ka taagnaa khilaaf ka dhashay qaadista ciidanka tababarku u soo dhamaaday, kaddib markii Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ka biyo-diideen  in ciidamadan ka howlgalaan gobolka Galguduud.

Balse taliyaha guutada Shanaad ee qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed Col Faarax Kooshin oo maalintii shalay la hadlay dhalinyarada tababarka loo soo xiray ayaa sheegay in ay wixii xiligan ka danbeeya yihiin ciidan Qaran, islamarkaana ka howlgali doonaan meel kasta oo ay dowladdu qorsheysato in la geeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]