Trump oo sare u qaaday rajada ah inuu la kulmayo Rouhani
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in hoggaanka Iran ay doonayaan inay la kulmaan, taasi oo sare u qaaday rajada ah inuu diyaarinayo kulan uu dhiggiisa Iran kula yeesho kulanka guud ee QM ee bishan.
“Waxaan kuu sheegi karaa in Iran ay dooneyso in la kulmo” ayuu Trump ugu sheegay Aqalka Cad.
Madaxweyne Trump ayaa marar badan tusmeeyey inuu diyaar u yahay
la-kulanka Hassan Rouhani oo la filayo inuu ka qeyb-galo kulanka guud ee
QM ee New York. Si kastaba, Iiraaniyiinta ayaan weli bixin jawaab
wanaagsan.
Rouhani ayaa arbacadii weerar ku qaaday maamulka Trump, oo cadaadiska
ku kordhiyey Iran, wuxuuna sheegay in “qasab tahay in Mareykanka ay
fahmaan in cadaawadda iyo dagaal u oomanaanta aysan waxba u tari
doonin.”
Xiisadda Tehran iyo Washington ayaa sare usii kaceysay tan iyo bishii
May ee sanadkii tegay, markaasi oo Trump uu ka baxay heshiiskii
Nukliyeerka ee 2015, islamarkaana uu qaaday tallaabooyin uu cunaqabteeno
cusub ku saarayo.
Iran ayaa taas kaga jawaabtay inay dib uga laabtay u hogaansanaanta
qodobo ka mid ah heshiiska Nukliyeerka, dibna u billowday qeybo ka mid
ah barnaamijkaas.
VOA