4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2019
Wasiirka Qorsheynta ‘’ Mashruucii biyo xireenka Fatahaadda wali waa halkiisii wax laga laabtay ma jiraan

 

Talaado, November, 19, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warka ku saabsan in dowladda Talyaaniga dib ula noqtay lacag dhan $ 6 Milyan oo dollar oo loogu talagalay in biyo xareen loogu sameeyo magaalada Beledweyne.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa lagu daabacay in dowladda Talyaaniga ka laabatay mashruuc ay dooneysay in ay biyo xireen uga sameyso deegaannada uu fatahaadda ka sameeyo Wabiga Shabeelle gaar ahaan magaalada Beledweyne oo dhibaato ba’an ay ku heyso Fatahaadda.

Wasiirka Qorsheynta Dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wali qorshihii mashruuca waxba iska badalin dowladda Soomaaliyana gudbisay dhamaanba wax-yaabihii looga baahnaa loo sii guda-galo heshiiska arintan ku saabsan balse waxaa uu sheegay Wasiirka in uusan jirin ilaa iyo hadda heshiis dhacay.

Si la mid ah Wasiirka Qorsheynta waxaa isna ka hadlay arintan Wasiirka Beeraha dowladda Soomaaliya Saciid Xusseen Ciid oo sheegay in dowladda Soomaaliya gudbisay dhamaanba macluumaadkii looga baahnaa, balse loo baahan yahay in labada dowladdood isla wada saxiixaan fulinta mashruucan kaasoo wali ah qorshe dhiman oo aan la gaarin.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Talyaanigu dib uga laabtay mashruucan kaddib markii ay wax jawaab ah ka weyday dowladda Soomaaliya loo soo bandhigay qorshahan sanadkii 2018ka oo magaalada Beledweyne ay ku dhufatay Fatahaad sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]