4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay in ay ka jawaabi weyday mashruuc biyo xireen loogu sameyn lahaa magaalada Beledweyne

 

Isniin, November, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Beeraha dowladda Soomaaliya Saciid Xusseen Ciid oo la hadlay VOA ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay gudbin weyday mashruuc la doonayay in biyo xireen loogu sameeyo magaalada Beledweyne oo ay dalbatay dowladda Talyaaniga.

Wasiirka ayaa sheegay dhaqaalihii loogu tala-galay biyo xireenka in aysan la noqon dowladda Talyaaniga halkiisiina uu yahay Dowladda Soomaaliya –na gudbisay dhamaan wax-yaabihii laga dalbaday.

‘’Markii horeba is faham ayuu ahaa arinkan, laakiin saxiix rasmi ah ma uusan jirin, Talyaanigu –na mabda’ahaan ayuu aqbalay mashruucan ee marka la saxiixayo waa in labada dhinac isaga yimadaan oo sidaa lagu saxiixaa mashruuca, waxey shardi ka dhiggeen in la keeno mashruucii oo dhameystiran cidda fulineysana la sheego, wax-yaabahaa ayeey sharuud ka dhiggeen, Annagana waan u gudbinay mashruucii waa la dhameystiray dhawaanna waa la saxiixayaa’’ ayuu yiri Wasiir Ciid.

Laakiin Shugri Saciid oo ah suxufi deggan dalka Talyaaniga ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya ay dhaafisay fursadan dadka reer Beledweyne iyadoo qorshahan dowladda Talyaaniga ay soo bandhigtay sida ay hadalka u dhigtay sanadkii 2018kii oo ay Fatahaadii  cusleyd ka dhacday magaalada  Beledweyne.

‘’Mas’uuliyada la noqodka lacagta Dowladda Soomaaliya baa wax ku leh, maxaa yeelay mashruucan wuxuu ahaa oo la soo bandhigay 2018kii oo ay Fatahaada ku dhufatay magaalada Beledweyne ilaa waxaa la sugayay bishii June ee sanadkan, intaa waxba lama soo gudbin’’ ayeey tiri Shugri Saciid.

Balse Wasiir Ciid ayaa sheegay in mar walba hay’addaha deeqaha bixiya iyagu u madax-bannaan-yihiin in waqtiggii ay doonaan dhaqaalahooda bixiyaan, hasse ahaatee marnaba uusan jirin wax gaabis ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya ama xitaa dowalad gobolleedka Hirshabeelle.

Madaxweyaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo laftirkiisa arintan wax laga weydiiyay ayaa VOA u sheegay in mashruucan uusan baaqan wararka arintaan ku saabsanna yihiin kuwo iska mala-awaal ah.

‘’Mashruucii hadda waa dhamaaday, wararka sheegaya in lala noqday waa waxba kama jiraa iyo been abuur ‘’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Fatahaadii ugu danbeysay ee ku dhufatay magaalada Beledweyne ayaa sababtay dhimashada ku dhawaad 20 ruux, burbur hantiyeed iyo waliba in dibadda magaalada ilaa iyo hadda ay ku daruufeysan yihiin kumannaan qoysas ah oo ka barakacay guryihiin ay ku noolaayeen.

Dadka ayaa marka aad la sheekeysato dalbanaya in mar uun maaro loo helo biyahan sanad walba ku soo fataha magaalada iyagoo arintaa ku tilmaamaya in ay u noqon laheyd gargaarkii ugu weynaa abid ee loo sameeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]