4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2019
Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Hargeysa iyo Amaanka oo siweyn loo adkeeyay

 

Isniin, November, 18, 2019 (HOL)-Wararka saakay ka imanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in amaanka siweyn loo adkeeyay iyadoo lagu arkayay qeybo ka mid ah Isgoosyada iyo dariiqyada muhiimka ah ee magaalada ciidamo dheeraad ah gaar ahaan kuwa ka hortaga rabshadaha.

Ciidamada Amaanka ayaa xalay xabsiga u taxaabay afhayeenkii Xisbiga mucaaradka WADDANI Barkhad Jaamac Batuun iyo xoghayihii Xisbiga Khadar Xusseen Cabdi kaddib markii la sheegay in ay u jawaabeen taliska Booliiska Somaliland oo sharci darro ku tilmaamay isku soo baxa uu ku baaqay Xisbiga.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Hargeysa ayaa sheegaya ciidamadu isku hareerreeyeen dhamaanba jidadka soo gala xarunta guud ee xisbiga sidoo kale ciidamado Boolis ah ayaa hor dhooban xafiiska xisbiga oo loo balan san yahay in hortiisa ay isugu soo baxaan taageerayaasha Waddani.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo qoraal kooban soo dhigay boggiisa Facebook ayaa sheegay in wali baaqii isku soo baxa taageerayaasha xisbiga uu halkiisii yahay, balse taliska Booliiska ayaa ka digay in dadku isku soo baxaan.

Lama oga saacadaha soo socda sida ay wax isku badali doonaan marka la gaaro waqtiga guddoomiyaha Xisbiga uu u qabtay taageerayaashiisa in leysugu soo baxo ilinka hore ee xarunta Xisbiga uu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]