4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2019
Jubbaland oo dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya u gudbisay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya

 

Jimco, November, 15, 2019 (HOL)-Dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya waxaa ay u gudbisay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay dowlad gobolleedka Jubbaland oo uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac ayaa lagu sheegay  in ciidamada Itoobiya ay ku soo xadgudbeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ka mid ah dhulka dowlad gobolleedka Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya oo ay gadaal ka riixeyso dowladda Soomaaliya qorshaheedu yahay  in gobolka Gedo uu ku dhowaaqo in uu ka go’ay Jubbaland inteeda kale.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Maamul gobolleedka Jubbaland :- 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]