Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Wasiirrada Gaadiidka Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Masar
Jimco, November, 15, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Elexandria ee Dalka Masar kaga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaadiidka Dowladaha Carabta.
Shirkan oo ahaa mid ay Sanadkiiba mar yeeshaan Wasiirrada Gaadiidka
ee Waddamada ku jira Jaamacadda Carabta ayuu ajendihiisu ahaa sidii ay
Dowladahaasi u adkayn lahaayeen xiriirkooda ku aaddan xoojinta
iskaashiga Gaadiidka.
Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Dowladda Falastiin laga caawiyo
dhaqaalaha Gaadiidka, in hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ay Xafiis ka
furato Magaalada Qaahira, in laysla qaato shuruucda ay dhowaan midowga
Yurub kasoo saareen duulista Hawada iyo qodobbo kale.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane;
Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa soo jeedinta Wasiirrada Gaadiidka Carabta
kalsooni u muujiyay, isago sheegay in mar waliba ay Dowladda Soomaaliya
ka go’an tahay Garab istaagga Walaalahood reer Falastiin .
Mudane; Oomaar iyo dhiggiisa dalka Masar ayaa ka wada hadlay in
Labada Wasaaradood ay si gaar ah isaga kaashadaan horumarinta Gaadiidka.
Wuxuu sidoo kale Wasiir Oomaar kulan la qaatay madaxa Academiyadda
culuumta Gaadiidka oo hoos tagta Jaamacadda Carabta, isla markaana ah
halka uu kulanku ka dhacay, waxanay ka wada hadleen sidii loo kordhin
lahaa deeqaha wax barasho ee Ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan
Akadeemiyada iyo in Wasaaradda Gaadiidka loo soo diro koox farsamo oo ka
caawiso dejinta siyaasadda Gaadiidka.
Wasiirka ayaa ugu dambayn casuumaad gaar ah u sameeyay Shan Arday oo dhigata Akadeemiyadda culuumta Gaadiidka, wuxuuna kula dardaarmay in ay
sii laba jibbaaran dedaalkooda waxbarasho, isagoo ku dhiiri geliyay in ay yihiin mustaqbalka dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]