4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2019
Madaxweynaha Puntland oo ballanqaaday in wax laga qaban doono tabashada bulshada gobolka Mudug


Arbaco, May, 22, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta madaxtooyadda ee ku taalla magaalada Gaalkacayo kulan kula qaatay nabadoonnada iyo xubno ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyadda Puntland ,Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka war bixiyey kulanka.

newsi"Maanta waxaa uu Madaxweynaha Puntland ku qaabiley madaxtooyada Gaalkacayo nabadoonnada gobolka Mudug, khaasatan inta joogtay magaalada Gaalkacayo iyo xubno kamid ah ganacsatada halkaas oo looga wada hadlay guud aahaan xaaladda dalka, gaar ahaan gobolka Mudug haday ahaan lahayd nabadaynta iyo dib u hishiisiinta gobolka, haday ahaan lahayd adkaynta iyo kawada shaqaynta Amniga, haday ahaan lahayd wanaajinta Dowladnimo wanaagga". ayuu yiri Dhabanacad .

Wuxuu inta ku daray nabadoonnada madaxweynaha la kulmay inay uga mahadceliyeen xaaladda gobolka iyo baahiyaha ka jira oo dhan iyo sida wax looga qaban karo inay wadaagaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa kulanka ka ballanqaaday  in maamulku  qaadan doono doorkooda iyo mas'uuliydeeda saaran sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka dadku qabaan dhanka Amniga, ka shaqaynta dowladnimada iyo arrimaha bulshada.

"Aad iyo aad ayuu shirkaas ugu soo dhammaaday is afgarad iyo wadashaqayn". ayuu raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

 Kulankan ayaa qeyb ka ah kullamo uu madaxweynaha Puntland ka waddo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaa oo uu ku sugan saddexdii maalin ee u dambeysay, iyadoo booqashadan ay tahay middii ugu horreysay ee madaxweynaha uu ku tagey gobolka Mudug tan iyo markii xilkan loo doortay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]