Roob socday Lix saacadood oo xiriir ah oo xalay ka da’ay magaalada Beledweyne
Talaado, May, 21, 2019 (HOL) - Roobkan oo bilaawday Abaare saacado markey
aheyd 11:00 habeenimo ee xalay ayaa soo gaaraya Waabarigii saakay isaga oo si
toos u dayay ku dhawaad Lix saacadood oo xiriir ah.
Roobkan ayaa saameyn ku weyn ku
yeeshay dadka dadka danyarta ah oo qaarkood gur-yahay daadad ugu galleen, halka
kuwa kalana ay u geysteen burbur soo gaaray qeybo ka mid ah guryihii ay ku noolaayeen.
Sidoo kale guud ahaan Maasjiyada
magaalada ayaa Salaadii Subax ee saakay wax Aadan ah laga maqal, taasoo xitaa
marka dhinac laga eego saameyn ku yeelatay xiliga Saxuurta oo in badan oo
bulshada magaalada ah ku kici jireen maqalka Aadanka.
Magaalada ayaa sidoo kale korontada laga jaray fiidnimadii hore ee xalay markii ay roobabku bilaawdeen, waxaana dib loo soo daayay 9:00 subaxnimo ee saakay
Hadal heynta ugu badan ee
magaalada ayaa ah haddii ay sii socdaan roobabka baqdin laga qabi karo fahahaad
uu sameeyo Wabiga Shabeelle oo labo sano oo isku xigta waqtigan oo kale
magaalada looga baxay.
Wararka ka imanaya deegaannada
Waqooyi gaar ahaan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay
jiraan biyo badan oo ka soo rogmaday togagga oo ku socda Wabiga Shabeelle,
taasoo dhinaca kale sare u sii qaadi karta walwalka ay dadku qabaan.
Dhawaan ayeey aheyd markii Roobab
xoog leh oo ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka burburiyeen Buundada Ceel Gaal oo muhiim u ahey isku socodka
dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfurta, Bartamaha iyo
Waqooyiga Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]