4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2019
Madaxweyne Deni oo sheegay wada-hadallo ganacsiga iyo horumarinta la xiriira inay la yeelan doonaan Itoobiya iyo Shiinaha

Isniin, May, 20, 2019 (HOL) -  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha Puntland ayaa u jiheeyey Puntland dhabihii horumarka, Waxaana uu Madaxweynuhu golihiisa fullinta ku amray dardargelinta mashaariicaha horumarineed ee ka socda dalka.

"Waxaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa wefti wasiiro ah Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenaka Maaliyadda oo ka soo hadlaya sidii Dowladda Itoobiya iyo Puntland ay uga wadashaqayn lahaayeen Kastamka Tuurdibi, Wasiirka Maaliyaddana dhowr beri ka bacdi ayuu u gudbayaa halkaas si ay dhinaceena heshiisku uga hirgalo mudo ayaan sugaynay waxaan goosanay wada-hadalkiina inaan wadno shaqadiina aan bilowno.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa ka warbixiyey Safar shaqo oo uu dhowaan ku tegi doono dalka Shiinaha .

“Safarkeena Shiinaha aan ku tagayno hadduu hirgalo waxyaabaha ugu waaweyn ee aan ka hadlidoono waa mashaariic horumarineed oo qaybta ugu weyn ay Mudug ka leedahay oo ah garoonka diyaaradaha iyo mashriic kale..Mashaariicdan waaweyn ee hada socda iyo kuwa imaan doona intaba Insha Alla dedaalka dad weynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen inta qabsoontay inta dhimana intaas ayeey ku hirgeli donaan hadii Alle yiraahdo." ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si dhaba daaha uga qaaday yoolka fog ee Xukuumadda hadda ka leedahay horumarinta dalka.

"Xukuumadda aan hoggaaminayo waxaa dhab naga ah in aan bulshada u shaqayno Mashaariicdii socotey iyo kuwe Alle nala kulmiyo oo aan anagu abuurno in aan ka shaqayno" ayuu ku daray madaxweynaha Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]