4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2019
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Jimco, May, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada degmada Mahadaay ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu ka fatahay deegaanno ka tirsan degmadaas,isla markaana fatahaada uu geystay khasaaro hantiyadeed.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Wabiga uu ku fatahay deegaanka Buulo Axmed Cigow oo duleedka ka ah degmda Mahadaay, waxaana wararka halkaa ka imanaya sheegayaan in uu geystay khasaare maaliyadeed.

Dad ku sugan degmada Mahadaay ayaa waxaa ay sheegeen in Wabiga dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku soo kordhayeen biyo,taas oo keentay in ugu dambeyn uu xalay fatahaad ka sameeyey tuulada Buulo Axmed Cigow .

Fatahaadan ayaa baabi'isay beero ay ku abuurnaayeen dalagyo kala duwan,sidoo kale guryo ay deganaayeen dad Shacab ah, islamarkaana dadka badi ay ka barakaceen Buulo Axmed Cigow  .

Wabiga Shabeellaha ayaa labada xili roobaad inta badan karkaarada jabsaday isaga oo khasaare u geystay dadka iyo duuniyada ku dhaqan deegaannada biyuhu ku fatahaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]