Weerar ka dhacay Masjid ku yaala magaalada London
Jimco, Maarso, 29, 2019 (HOL) – Booliiska magaalada ayaa baacsanaya nin la sheegay in
uu mid kale ku tooriyayeeya masaajid ku yaala bartamaha magaalada London.
Ninka la tooriyeeyay, markii dambana u dhintay ayaa la sheegay in uu yahay
20 jir, waxana uu falka ka dhacay masaajidka Reben Park ee bartamaha London.
Nin lagu magacaabo Bahir Mowlana ayaa sheegay in uu arkayay booliiska oo
xiray labo qof oo masaajidka ku sugnaa
Balse booliiska ayaa sheegay in aysan jirin cid loo xiray falka dhacay,
waxayna intaas ku dareen in weerarka dhacay uusan ahayn mid la xiriira arrimo
argagixiso.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dul meereysanayay masaajidka, iyada oo
dusha laga eegayay qofkii meesha ka baxsaday.
Weerarkan dhacay ayaa imanaya xilli dadka dhegahooda uu kasii guuxayo
weerarkii 50 ka qof lagu laayay ee ka dhacay masaajid ku yaala magaalada
Christchurch ee dalka New Zealand.
Masaajiddo ku yaala Ingiriiska, iyo Maraykanka ayaa loo sameeyay illaalo
hubeysan, gaar ahaan maalmaha jimcaha si aysan u dhicin wixii ka dhacay
Christchurch.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]