4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2019
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay qarax ay dad rayid ahi ku dhinteen oo Alshabaab la beegsadeen goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay falkii Alshabaab ku laayeen dad rayid ah oo makhaayado ka cunteynayay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga, isagoo bulshada Soomaaliyeedna ku boorriyay inay u midoobaan la dagaallanka wax uu ugu yeeray argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka.

Qaraxan oo noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee todobaadka dhaca ayaa waxaa ku nafwaayay ku dhawaad 20 oo u badnaa dad shacab ah ka cunteeynayay maqaaxi ku taalay goobta uu qaraxu ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]