4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2019
Ku dhawad 20 ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, Maarso, 28, 2019 (HOL)– Ku dhawaad 20 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qarax duhurnimadii maanta oo Khamiis ah ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku dhaw hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la dhigay goobta oo aheyd meel aad saxmad badan kuna sugnaayeen dad badan oo halkaa ka cunteynayay madaama lagu soo beegay waqtiggii qadada.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaa la sheegayaa in gaariga qarxay wadada dhinaceeda la dhigay, halka warar kale sheegayaan in gaariga qof waday oo maqaayada lagu dhiftay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka ay waxyeelada soo gaartay. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]