4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2019
Kulan Amaanka looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.

Kulanka deg deggga ah ayaa aad loogu falanqeeyay Tageeradda qorsha uu diyaariyay Taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in dalka looga saaro Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka tilmaamay in aan loo sii dul qaadan karin in Al-shabaab sii wadaan sida uu hadalka u dhigay dhibaateynta dadka ayaa dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirkaa ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada.

Kulanka ayaa imanaya iyadoo maanta oo kaliya ilaa Shan Qarax ay ka dhaceen magaalada Muqdisho waxaa dadka ku dhintay qaraxyadan ka mid ahaa Wasiir ku-xigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]