4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2019
Qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dabley weerar toos ah geysatay

 

Sabti, Maarso, 23, 2019 (HOL)-Warar dheeraad iyo faah faahinno ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo goor dhw k dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dabley hubeysan ay weerareen wasaarradda Shaqada xukuumadda Soomaaliya oo ku taala Isgoyska Jubba.

Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay wax-yaabaha qarxa,waxaana xigay rasaas xoogan oo halkaasi laga maqlay .

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi rag hubeysan ay gudaha u galeen,waxaana goobta ay qaraxyada ka dhaceen ku yaalla maqaayado iyo xarumo kale.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa haatan goobta kasoo daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qarax-yadaasi.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in uu qaraxyada ay sababeen khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xaalada guud ahaan magaalada ayaa u muuqata mid kacsan iyadoo jidadka qaar durbaba ay ciidamadu xireen.;

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]