4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2019
Wasiiradda Somaliland oo maanta ansixiyey siyaasadda shaqaalaha rayidka

Khamiis, March 21,   2019  (HOL)- Shirkii golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey siyaasada shaqaalaha rayidka ah, sidoo kale waxa goluhu soo jeediyey in la horkeeno xeerka maamulka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, si xal waara loogu helo khilaafaadka dhulka.

Shirkan waxa shirgudoominayey madaxweyne Biixi waxaana ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Saylici, waxaana goluhu warbiximo ka dhegeysteen wasaaradaha horumarinta maalgashiga iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha.

“wasiirka maalgashiga ayaa golaha ka horjeediyey qorshe hawleedka wasaaraddaasi, isagoo ku dheeraaday muhiimada maalgashiga, horumar muuqdana ka sameeyeen iibgeynta maalgashiga dalka, isagoo xusay inuu si xawli ah u socdo maalgashiga gudaha ee muwaadiniintu. Isla markaana ay xidhiidho la sameeyeen maalgashadayaal caalamiya, si looga faa’iideeyo khayraadka dihin ee waddanka, korna loogu qaado kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka da’ yarta.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda.

Dhinaca kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa golaha u sharaxay dedaalada wasaaraddu ugu jirto jihaynta dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaanu wasiirku tilmaamay inay ku hawlan yihiin dardargelinta ciyaaraha kala duwan iyo dhiirigelintooda.

Ugu danbayntiina waxa uu goluhu dood dheer ka yeeshay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004, sidoo kale waxa goluhu soo jeediyey in la horkeeno xeerka maamulka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, si xal waara loogu helo khilaafaadka dhulka.
 

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.