Xisbiga WADDANI oo cadaalad daro ku tilmaamay laba muwaadin oo lacag badan lagu ganaaxay
Talaado, Maarso, 12, 2019 (HOL)- Xoghayaha guud ee
xisbiga WADANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sharci daro iyo mid cadaalada ka fog ku
tilmaamay xukunkii lagu riday laba muwaadin oo loo haystay inay jareen xadhiga
Internetka ah ee shirkadda SOMCABLE ee dhulka hoostiisa mara.
Xoghayaha xisbiga WADANI ayaa jeelka ku soo
booqday labadda muwaadin ee lagu xukumay lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo
dollar, waxaanu xukunkaasi ku tilmaamay mid aan caqliga bani’aadanka gali
Karin.
“Waxaan saaka booqday Abwaan Baashe iyo macalin
Cabdiqaadir oo lagu xukumay xukun cadaalad daro ah oo axmaqnimo ah, waxay noo
sheegeen in askarta jeelka joogta si fiican ula macaamilaan, waxa kale oo aan
la kulmay qoysaskoodii, Abwaan Baashe wuxuu ahaa aabo toban caruur ah u
shaqeeya nin xoogsato ah oo guryaha la dhisayo ka shaqaysta ayuu ahaa,
macalinkuna iskuul buu bare ka ahaa oo uu qaadan jiray wax boqol dollar ka yar
waayo dawladda ayuu u shaqayn jirey, caqliga dhigaya qof boqol dolar wax ka yar
qaata in lagu xukumo lix boqol oo kun oo dollar oo ganaaxa inuu bixiyo waa wax
lala yaabo”ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi.
Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI oo
hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “dawladaha dumaya ee baaba’ayana
astaamo ayay leeyihiin la daraaseeyay oo la yaqaanno maantana waddankeena si
fiican uga muuqda haddii aan waxaa la joojina ay dawladnimadeenu dumi doonto.
Illaahay ayaa Qu’aankiisa inagu leh cadhada iyo xumaha aad cid u qabtaan yaanay
idinka kaxaynin caddaaladda laakiin, maanta waxa muuqata in madaxweynuhu
cadhaysan yahay, cadhadaas uu cadhaysan yahayna ay ka kaxaysay in uu
caddaaladda eego oo dadkiisa uu madaxweynuhu u yahay u caddaalad sameeyo in ay
ka kaxaysay, dulmigaasna uu yahay mid isaga ku soo noqonaya oo berrito la
waydiin doono.”
Shan muwaadin oo laba baxsaday ayaa maxkamada
racfaanka gobolka Maroodi jeex ku xukuntay lacag dhan lix boqol iyo shan iyo
labaatan kun oo dollarka Maraykanka ah, taas oo baddi dadku la yaabeen xadiga
lacagtaasi oo badan awgeed.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.